Monday April 07, 2008
Dekedda Kismaayo oo dib loo furey ka
dib markii ay xirneyd maalmo.
Dekedda weyn ee magaalada Kismaayo ayaa maanta dib loo hawl galiyey ka
dib markii ay maalmihii la soo dhaafey u xirneyd khilaaf ka dhex jirey
maamulka gacanta ku haya Kismaayo iyo ganacsatada wax kala soo dagta.
Wararaku waxaa ay sheegayaan in la xalliyey khilaafaad ka dhex jirey
maamulka iyo ganacsatada magaalada kuwaqasi oo isku mari la'aa wax yaabo aan
aad loo shaacinin waxaana la sheegayaa in haatan wixii ka dambeeya hawsha
dekeddu ay si caadi ah u socon doonto isla markaana laga wada shaqeyn doono
sidii wax waliba caadi ugu soo noqon lahaayeen.
Furitaanka dekedda ayaa waxay aad ugu wanaagsantahay dadka degaanka
waxaana ay sheegeen inay taasi kaga baxsanayaan sicir barar ku yimaada wax
yaabaha aasaasiga ah ee ay dadku quutaan
Waxaa soo noqnoqonayey xirnaanshaha degedda weyn ee Kismaayo waxaana
jirtay in magaaladaasi aaney lahayn maamul la isku wada raacsan yahay ka dib
markii maamulkii uu soo magacaabey Madaxweynaha Federaalku C/laahi Yusuf
halkaasi laga eryey bishii April ee sanadkii 2007dii.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |