| |
Thursday April 10, 2008
Diyaaradaha
dagaalka yaa dul keeney degaanada Muddulood ?.
Beryahaan dambeeyey qalabka warbaahinta ee gudaha Soomaliya waxaa aad iyo
aad ugu badneey hadal haynta diyaaradaha dagalka oo joog hoose ku socda oo
dul heehaabaayay
deegaanada aay degto beelweynta Mudulood Hiraab sida: Warsheekh, Cadale,
Ceel Baraf, Mahadey iyo xeebta Liido iwm.
Waxaad moodaa inaay beesha Mudulood ku dhacdey dabin loo maleegaayey seddex
sano iyo barkii (3.5) aay jirtay Dawladda Federaalka ku meel gaarka
Soomaliyeed uuna u hir-galey qorshihii aay wadteen Kooxaha u dagaalama
danaha dahsoon ( mysterious interest)
Sida lawada og yahay beryahaan danbeeyey gobalka Shabeellaha Dhexe ee Jowhar
meelo badan oo ka tirsan waxaa ka dhacey dagaalo ah ku dhufo oo ka carar (
hit and run) oo sida la sheegaayo aay fulinaayeen kooxo u dhashey deegaanka
laakin gacan saar la leh kooxda Al Shabaab oo dhowaan lagu derey liiska
argagixisada caalamiga.
Qorshahaan fulay waxay farxad iyo rayn rayn u tahay kooxihii mudadda dheer
ku taamaayey in mar uun deb lagu qabto oo dagaal loo xawilo deegaanada degan
ee aay degto beelweynta Mudulood Hiraab, kooxdaan ujeedaddoodu waxay tahay
in aay baaruudu kawada qiiqdo dhammaan deegaanada degan ee aay degto
beelweynta Mudulood dabadeedna lagu Awro kac-sato " war Hawiyow kac".
Waxay nasiib darro u tahay dadka ka soo jeeda deegaanada Mudulood ee
hogaaminaaya dagaaladaan ah ku dhufo oo ka carar laakin ha ogaadaano haddii
Diyaaradaha la dagaalanka argagixisada caalamiga ee loo yaqaan ( AC 130) aay
duqeeyeen deegaanada Mudulood in aan hogaamiyayaasha dagaalka looga dad iyo
deeq badneyn meelaha la duqeyn doono.
Diyaaradaha dagaalka yaa dul-keeney deegaanada Mudulood???.
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Rochester, MN
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |
|