Friday April 04, 2008
Dooni ah nooca dalxiiska oo fransiisku
leeyahay ayaa lagu qafaashey xeebaha Soomaali.
Dooni ah nooca ay raacaan dadka dalxiisayasha ah lagana leeyahay dalka
Faransiiska ayaa la sheegey in lagu afduubey meel u dhaxaysa Yemen iyo
Somaliya.
Doonidan oo lagu magacaabo the Ponant waxaa ay ka timid dhinaca
Jasiiradda Seychelles waxaana saarnaa oo kaliya dadkii ka shaqeynayey oo
tiradoodu gaareysay 29 ruux.
Ciidamada Faransiiska ee ku sugan waddanka Djibouti ayaa la sheegey inay
si aad u dhow ula soconayaan xaaladda markabkaas iyo shaqaalaha saaran
waxaana ay halkaasi u dirayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo doonyaha
dheereeya.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee faransiiska ayaa laga sheegey inay dadaal
u galeyso sidii loo badbaadin lahaa dadka la qafaashey oo intooda badani ay
u dhasheen dalka Faransiiska.
Xafiiska R/wasaaraha Farasiiska ayaa sidoo kale waxaa laga soo saarey
hadal qoraal ah waxaana lagu sheegey qoraalkaasi in dalka Faransiisku uu la
kaashan doono sii deynta dadkaasi dhamaan dalalka ay xulafada yihiin waxaana
la sheegey in shaqaalahaasi la sugayo ama lala soconayo arrimahooda iyo
hadba wixii ku soo kordha.
Maxamed Yare
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |