Thursday April 10, 2008
Xisbiga
Kulmiye ee Soomaliland oo iska fogeeyey eedeyn ku saabsan qaraxii ka dhacey
Hargeysa.
Xibiga Mucaaradka ee
Kulmiye ayaa si aad ah u beeinyey eedeyn uga timid dowladda oo sheegeysa
inay lug ku lahaayeen qarax ka dhacey xarunta golaha Guurtida Somaliland.
Eedayntaasi oo ay dowladdu tosha ka saartey xisbiga Kulmiye ayna ku sheegtey
in xisbigaasi uu isagu qaraaxaasi geystey.
Isagoo ka jawaabayey arrintaasi guddoomiyaha
Kulmiye Axmed Siilaanyo waxaa uu sheegey inaaney sinaba uga suurtoobin
Xisbigooda inay ku kacaan waxyaabo noocaasi oo kale ah waxaana uu sheegey in
eedahaasi ay yihiin kuwa ka fog xaqiiqada.
wasiirka arrimaha gudaha ee Soomalilad Cabdullahi Ismaaciil Ciiro ayaa
sheegey in qaraxaasi ay ka dambeeyeen oo ay ku tuhmayaan qolyaha Mucaaradka
ah gaar ahaan xisbiga Kulmiye oo iyagu markii horeba maanta xoog ku galey
xarunta guurtida oo iyagoo madaxdoodu la socoto xaruntaasi xoog ku galey.
taasina waxay keenaysaa in lagu tuhmo waxa halkasi ka dhacey.
Qaraxyo aan waaweynayn ayaa Hargeysa ka dhacey maalmo gudohood waxaana
laga cabsi qabaa in haddii doorashada dib loo dhigo ay ka imaan karto
waxyaabo dhaliya khilaaf ka yimaado dib u dhaca doorashada.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |