Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Friday April 04, 2008

Fu'aad Adan Cadde Oo Waraysi Dheer Ku Faahfaahinaya Sababta Xilka Looga Qaaday.

Fu’aad Aadan Cadde oo ahaa wasiirkii ugu hadalada kululaa una ololayn jiray inay gacanta riyaale ku dhacdo laascaanood oo aanu la xidhiidhnay ayaa ka warbixiyay sababaha xilka looga qaaday

Daahir Riyaale Kaahin ayaa xilkii Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga, ka xayuubiyey Fu’aad Aadan Cadde ka dib markii uu soo kala dhex galey is qoonsi xagga wada shaqeynta ah.

Fu’aad Aadan Cadde oo ahaa wasiirkii ugu hadalada kululaa una ololayn jiray inay gacanta riyaale ku dhacdo laascaanood oo aanu la xidhiidhnay ayaa ka warbixiyay sababaha xilka looga qaaday

"waligey ismaan odhan tanmaanta dhacday waydhacaysaa sool oo ay kajiraan abaaro biyo la"aan iyo waliba colaado baahsan oo wax kaqabashadeeda ubaahan amaankiina uu liito ayuu Riyaale lacagtii ay hayadaha deeqda bixiya ugu talogaleen sool uu u isticmaalay hawlo isaga ugaara iyo lacagihii oo uu jeebka isaga shubtay ayuu yidhi Fu aad aadan cade .

"kama xumi in xilka layga qaado ayuu yidhi laakiin waxaan ka xumahay khiyaamada ay sameeyeen riyaale iyo kuxigeen kiisa oo sikhaldan wax umaamulaya"

"Anigu waxaan ahaa ragii sida weyn udoonayay inay gacanta Somaliland soogasho sool laakiin tan inay dhacayso maan filayn hadase waxaa loobahan yahay arintan waxka qabashadeeda waxayna utaal siyaasiyiinta reer sool ayuu yidhi Fuaad aadan cadde oo khadka telefoonka noogu waramayay"

Laakiin afhayeen Daahir Riyaale ayaa isna warsaxaafadeed kasoo saaray sababaha xilka looga xayuubiyay MR Fu-aad Aadan Cadde "ka dib markii Wasiirkaasi uu ku xadgudbay Anshaxa iyo Akhlaaqiyaadka Rayaalena uu ka gaabsaday in uu tallaabo ka qaado xad gudubyadaasi uu ku kacay, waxa uu gartay in xilka Wasiirkii Wasaarada Horumarinta Reer Miyiga laga qaado ayuu yidhi afhayeenka riyaale

Rayaale waxa kale oo uu Wareegtadaasi ku sheegay , maadaama xilka laga qaaday Wasiirkaasi in uu u madax banaanaado hadalada macno darada ah ee uu maalin walba ku hadlayo,

Talaabadan xilka qaadista Fuaad Aadan Cadde ayaa ah talaabadii 3 aad ee xilka lagaga qaado shakhsiyaad jagooyin sar sare ka hayey Maamulka somalidiidka kuwaasoo lagusoo oogay inay ka horyimaadeen siyaasadda Rayaale oo u muuqata midaan lahayn gorgortan.
 

 


Widhwidh Online

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved