Thursday April 17, 2008
Dowladda Soomaaliya oo shir ka yeelatey
arrimaha burcadda lagu hayo Faransiiska.
Dowladda KMG ah goleheeda wasiirada ayaa maanta waxaa ay ka shireen sida
ay u arkaan wixii laga yeeli lahaa 6 ruux oo u dhalatey Soomaaliya isla
markaanaa ahaa Burcad Badda ku qafaasha Maraakiibta ganacsiga oo lagu hayo
dalka Faransiiska.
Kulankaas oo uu guddoominyey wasiirka 1aad ee dowladda Federaalka KMG ah
Mudane Nur Xasan Xuseen ayaa waxaa lagu lafa gurey talaabada laga qaadanayo
arrinta raggaas Burcadda ah oo ku xiran xabsiyada dalka Faransiiska ka dib
markii ay dhawaan afduubeen markab dalxiis oo laga leeyahay isla Faransiiska.
Goluhu waxaa ay sheegeen inay taagesan yihiin qabashada nimankaas iyagoo
beesha caalamkana ugu baaqey in isku meel looga soo wada jeesto dadka ka
qowlaysta badaha ee wax yeelada u geysta dadka iyo hantida badda isaga
goosheysa.
Golaha wasiiraqdu waxaa ay sheegeen in dowladda caalamka ay ka
codsanayaan inay gacan ka geystaan joojinta Burcadda ka jirta badaha ku
xeeran Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horreysay ee Burcad Soomaali ah ay
gacanta u galaan dal ay ka qafaasheen Markab waxaana dalka Faransiiku
sheegey inuu ka war sugayo dowladda Soomaaliya si Maxkamad loo soo taago
raggas laga soo qabtey xeebaha Soomaaliya.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |