Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Sunday April 06, 2008

Guddoomiyaha Mudduloodka Waaqooyiga Amerika oo ku soo waajahan  New York  iyo Washington DC.

 Warar lagu kalsoon yahay oo laga helaayo gobalka Arizone oo ka mid ah goballadda Mareykanka uuna deggan yahay Guddoomiyah Guddiga Muduloodka waqooyiga Ameerica (North America) Caaqil Haji Mohamoud Ali Jimale ( Koogaar) waxay sheegayaan in uu Guddoomiye Koogaar maalmaha soo socda ku wajahan yahay New York iyo Washington DC.

Gudoomiyaha oo aay weliyaan xubno dhowr ah oo ka kala socda dhammaan goballadda uu ka kooban yahay mareykanka gaar ahaan gobalka Minnesota oo aay ku badan yihiin taageerayaasha DFKMGS waxay ka qeyb geli-doonaan soo dhoweynta Madaxweynaha Dawladda Federaalka Somaliyeed Abdullahi Yuasuf Ahmed oo sida la-filaayo maalmaha soo socda booqasho ku imaan doona New york iyo Washington DC.

Guddoomiye Haji Caaqil Koogaar wuxuu dhammaan kula talinayaa jaaliyadaha kala duwan ee Soomaliyeed ee ku dhaqan waqooyiga Ameerika in si Soomalinimo ah looga wada qeyb gelo soo dhoweynta Madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminaayo.


Dhinaca kale Guddoomiye Haji Koogaar wuxuu ICLAAMIYEY in bilaha soo socda la qaban doono
shir sannaddeedkii Muduloodka waqooyiga Ameerika ( Mudulood North America Convention)

wixii faah-faahin dheeraad ah oo ku saab-san Shirka Muduloodka (North America) insha'allaahi dhowaan ayaa qalabka warbaahinta lagu soo shaacin-doonaa sida:- maalinta , meesha iyo Agendaha( agenda) shirka looga hadli-doono iwm.



Abdulle Hassan Nuurow
Rochester MN.
 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved