Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Saturday April 12, 2008

Guddiga Doorashooyinka Soomaaliland oo ku adkeysanaya xilligii doorashoyinka inay dhacaan.

Guddiga doorashada Somaliland ayaa soo saarey war ku sxaabsan qabashada doorashooyinka Soomaliland taasi oo ay sheegeen inay doonayaan inay dhacaan wakhtigii loogu talagaley. Guddigu waxaa ay sheegeeen inay tahay inay bilaabato doorashadu horraanta bisha October waxaana ay sheegeen inay thaay arrintani mid ay horey u qorshaysteen ayna ka turjumayso heshiis horey  ay ula gaareen xibiyada Dalka oo dhan.

Laba maalmood ka hor ayaa golaha Guurtida Somaliland waxaa ay go'aamiyeen in wakhti hal sano ah loo kordhiyo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa wakhtiga ay xilka haynayaan taasina waxaa si caro leh uga hor yimid labada xisbi ee mucaaradka ah kuwaasi oo ku tilmaamey go'aanka guurtida mid ku xadgubaya Dartuurka u yaala Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in waxoogaa muran ah ay dhalin doonto arrinta dib u dhigista doorashada Madaxtooyada waxaana taas si aad ah u doonaya Axsaabta siyaasadda oo iyagu u diyaar aha inay u tartamaan hogaanka Somlailand.

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved