Haweenka Beesha Mudulood oo Walaac Ka
Muujiyay Xaalada Deegaanada Beeshu Degto.
Rochester, MN: Gudiga Farsamada Haweenka Beesha Mudulood ee ku dhaqan
Gobolka Minnesota ayaa waxay isku yimaadeen shir deg deg ah kaas oo ku saab
sanaa walaaca ay ka muujiyeen xaaladaha cusub ee abaaraha iyo nabad galyo
xumada ka jirta degaanada ay degto Beesha Mudulood.

Waxay shirkaasa kaga hadleen abaaraha iyo nabad galyo xumada sii kordheysa
ee ka jira degaanadaas waxayna isku afgarteen gudigaas farsamo in wax laga
qabto shacabka beesha Mudulood ee ka soo qaxay xaalada adage ee ka jirta
caasimada magaalada Muqdisho ka jirto kuwaas oo u baahan in si deg deg ah
dhaqaale iyo dawooyin loogu diro xarumaha ay ku sugan yihiin sababtoo ah
Cisbitaalada oo aan haysan dawooyin ku filan.

Waxaa kaloo haweenka beesha Mudulood ay dareenkooda ku muujiyeen dilalka aan
loo dulqaadin Karin ee ka jira degaanda beeshu degto kuwaas oo lala beegsado
waxgaradka beesha. Waxayna isla goobta ku taageereen hadaladii dhawaan ka
soo yeeray afhayeenka beesha mudulood Md. Muxyadiin Hassan Afrah uu dhawaan
warbaahinta ka sii daayay inaan loo dulqaadan doonin dilalka iyo dagaalada
loo soo xawilay deegaanada Mudulood talaabana laga qaadi doono kuwa ku
dhaqmaya falalka noocaas ah.

Waxayna gudigaan go’aansadeen in beeshu si deg deg ah jawaab uga bixiso xag
dhaqaale iyo taagero gaar ahaan haweenka Mudulood ee ku nool dhamaan qurbaha.
Waxayna isla goobta ku sameeyan gudigii dhaqaalaha. Waxaana halkan ka
codsanaynaa in dhamaan haweenka Beesha Mudulood ee ku sugan qurbaha ay
kaalintooda ka qaatan wax qabadka deeganada ay ku abtirsato beeshu.

Waxayna ka dhawaajiyiin inay dhow jeer gaarsiiyeen dhaqaale iyo daawo
degaanada beeshu degto taas oo ah waajib muqadasa. Hadaba shirkaas ayaa
waxaa lagu soo afjaray duco, buraanbur iyo waliba is afgarad. Shirkaan ayaa
waxuu ku soo aaday iyadoo dhawr jeer uu gudoomiyaha beesha Mudulood ee North
America Md. Caaqil koogaar ka codsaday dhamaan qurba joogta Mudulood inay
wax ka qabtaan deegaanada ay aabaraha iyo dagaalada wax gaarsiiyeen.
W/D: Muqtaar Ahmed Mohamud (Katiitow)
Rochester, Minnesota
Katiitow@yahoo.com
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |