Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Tuesday April 15, 2008

Isbaheysiga ka horjeeda dowladda Somaliya oo ka noqdey shuruudihii ay ku xireen wadahadalka.

Isbabaysiga lagu magacaabo dib u xoresynta Somalia ayaa sheegay in ay ka laabteen Shuruudihii ay ku xireen wada hadal ay lagalaan Dowlada Somalia kaas oo ay ugu weynayd in Ciidamada ay ka baxaan gudaha dalka Somalia.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah guddoomiyaha golaha dhexe ee ururkaas oo lahadlayey warbaahinta gudaha ee Soomaaliya ayaa waxaa uu shaaca ka qaadey in wax iska baddaleen halkii ay ka taagnaayeen wadahal lala galo DFKMG ah waxaana ugu weynaa shuroodahooda mid in muddo ah la isku  mari la'aa oo ku saabsanayd joogitaanka ciidamada Itoobiya oo ay sheegi jireen inaaney wax wada hadal ah la galeynin dowaladda KMG ah inta ciidankaasi joogo Soomaaliya.

Shariif Xasan waxaa kaloo uu sheegay in ay ffiranayaan maslaxada Dadka Soomaaliyeed ayna doonayaan in la gaaro ama la helo  waddo lagaga baxo marxaladda hadda lagu jiro. Shariifku waxaa uu sheegey in la isla gartey in sameeyo guddiyo ka kala socda dhinacyada wada xaajoonaya oo markaasi ka qeyb gala wada hadalada la isugu imaan doono.

Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in labada dhinac ee isku haya Soomaaliya ay haatan usoo jeesteen in ay furaan wada hadallo lagu raadinayo in xal laga gaaro dhibaatada iyo dagaalada soo jiitamayey muddooyinkan dambe waxaana arrintaas horseed ka ha wakiilka xoghayaha guud ee QM Axmed Ould Abdalla oo dadaal dheer u galey inuu isu keeno kooxa Soomaalida.

 

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved