Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Thursday April 10, 2008

Xisbiyada Mucaaradka Soomaliland oo saarey war saxaafadeed ay u dhan yihiin.

Labada Xisbi ee Mucaaradka ah ee Soomaaliland ayaa war qoraal ah ka soo saarey isbadelka ku yimid doorashada Somaliland kaasi oo ay ku sheegeen inay ogol yihiin habka diiwaan galinta guddiga doorashooyinka waxayse sheegeen inay doonayaan in marka ay dhamaato wakhtiga xilka Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo ku eg 15 May 2008 ay doonayaan in la dhiso dowlad wadaag ah oo ay u dhan yihiin dhamaan axsaabta siyaasaddu.

Warsaxaafadeedka xisbiyada ayaa u qoran sidan hoos ku cad:

Labada xisbi qaran ee UCID iyo KULMIYE iyaga oo hirgalinaya himilooyinka ummadda Somaliland waxay aaminsan yihiin in la dhammaystiro hannaanka geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee uu ku salaysan yahay qaab-dhismeedka hay’adaha (institutions) dawladeed ee Somaliland, kuwaas oo dastuurka qaranku si waadix ah u qeexayo inay ku yimaaddaan hannaan doorasho, isla markaana uu si cad u tilmaamayo inay muddo go’an xilka hayaan.

Sidaas darteed, labada xisbi qaran waxay aaminsan yihiin inay dhammaatay muddadii xilka ee dastuuriga ahayd ee madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka, waxaanay u arkaan sifaha dhibaatooyinka lagaga gudbi karaa inay tahay mid ku salaysan wadatashi ka yimaada xisbiyada qaranka

Hadaba, si loo adkeeyo himilooyinka ummadda loogana taxadiro burbur distoori ah (constitutional crisis) iyo mid siyaasi ah (plotical crisis) labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE waxay wadajir u go’aansadeen:

1: Inay Komishanka Qaranka la qaataan jadwalka diiwaangalinta iyo doorashooyinka ee ay xisbiyada usoo bandhigeen.

2: In doorashada soo horreysa ee qorshaysan 06/10/08 ay noqoto ta madaxtooyada, maadaama ay doorashada madaxtooyadu tahay ta ahmiyadda weyn u leh dalka, isla markaana carqaladaha iyo mashaakilka distooriga ah iyo kuwa siyaasiga ah ee hadda taaganba lagaga bixi karo, bulshowenta caalamka ee innaga taakulaynaysa doorashooyinkuna tahay ta ay danaynayaan, iyada oo waliba ay xusid mudan tahay in aanay maanta khasab ahayn inay ta dawladaha hoose soo hormarto kol haddii aanay xisbiyo qaran ka soo baxayn ururro siyaasadeed (sidii doorashadii 2002kii).

3: In marka la gaadho 16/5/08 ee ay dhammaato muddada xilka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka la dhiso xukuumad wadaag ah oo dalka gaadhsiisa ilaa doorashada madaxtooyada.

Ugu dambayn labada xisbi qaran UCID iyo KULMIYE waxay xasuusinayaan golaha sharci-dajinta waxa ugu muhiimsan ee ummaddu ay u igmatay inuu yahay ilaalinta distoorka qaranka iyo shuruucda kale ee dalka, ummaddana ay wakiil kaga yihiin.

Sidaa darteeed, ku xadgudub kasta oo golaha sharci-dajintu ku sameeyaan mudada xilalka hay’adaha qaranka sida madaxtooyada iyo golaha sharci-dajinta waxay qaranka ku keeynaysaa inay carqaladayso nidaamkii geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka, waxaanay keeni kartaa xaalad nabadgalyo-darro

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved