Saturday April 19, 2008
Lacagta Duugga ah oo lagu heshiiyey in
laga qaato magaalada Muqdisho
shir aad u balaaran oo maanta ay isugu yimaadeen ganacsatada Suuqa
Bakaaraha iyo odayaasha iyo Culimada diinta ee ku dhaqan magaalada Muqdisho,
ayaa waxaa lagaga doodey sidii loo meel marin lahaa lacagaha duugga ah ama
jeexjeexan oo beryahan uu ka taagnaa muran weyn.
Shirkaasi markii uu soo afxirmey ayaa waxaa warbaahinta hadal
siiyey nin ka mid ah dadka ka ganacsada Suuqa weynaha Bakaaraha ninkaasi oo
lagu magacaabo Maxamed Cali Geedi, ayaa sheegay in kulanka lagu go'aamiyay
in la qaato lacagaha duugga ah iyo waliba kuwa jeexjeexan oo aan maalmahan
ka socon jirin inta badan magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo ka mid ah
Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa halkaasi hadallo ka jeediyay qaar ka mid ah
dadkii kulankaasi ka qeyb galey oo isugu jira culimada Diinta Abwaanno iyo
Odayaal ka tirsan wax garadka magaalada Muqdisho waxaaney dhamaantood ku
baaqeen in la qaato lacagahaasi si loo joojiyo dhibaatada ka dhalan karta
haddii la diido lacagaha waxaaney ka digeen in diidmada lacaguhu ay horseedi
karto waxyaabo badan oo aan dan u ahayn nolosha dadka ku dhaqan addanka
Soomaaliya oo dhan.
Maalmihii ugu dambeeye waxaa ka jirey meelo badan oo ka mid ah koonfurta
Soomaaliya khilaaf ka dhashey lacagaha duugga ah iyo midda jeex-jeexan gaar
ahaan 1000ka shilin, waxaana loo tiranayaa inay arrintaasi keentey sicir
barar ku yimid wax yaabihii ay dadku ku noolaayeen.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |