Wednesday April 02, 2008
Madaxweynaha dowladda FKMG ah oo qoraal
ka soo saarey xildhibaanda Ku sugan Jubbada Hoose.
Haadal qoraal ah oo kasoo baxay xarunta Madaxtooyada ee Villa
Somalia ayaa waxa uu tilmaamayey sida ay madaxtooyadu u aragto
Xildhibaano ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka KMGS oo uu hogaaminaayo Coll
Barre Hiiraale kuwaas oo maalmahaanba ku sugnaa magaalada Kismaayo.
Qoraal waxaa uu tilmaamayaa in xildhibaanada uu hogaaminayo Barre
Hiiraale oo maalmahaan ku suganaa magaalada kismaayo in aanay magaaladaa u
joogin shaqo dowladdu u dirsatay isla markaana ay doowladu aysan ka war
heynin waxa ay halkaasi ujoogaan. iyo hawlaha ay ka hayaan.
Qoraalka ayaa lagu xusay in howsha xildhibaanadaasi wadaan uu yahay mid
iyaga la gaar ah isla markaana Doowlada ka warqabin waxa uu yahay iyo
ujeedada ka danbeeyso.
Afhayeenka xukuumadda Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa saxaafada u sheegay in
qoraalkaasi dadka gobalada jubooyinka uga digayo in aaney ku marin habaabin
hadalada iyo qorshaha ay wataan xildhibaanadaasi isla markaanaa ay ka
feejignaadaan sida uu hadalka udhigay.
Xildhbaanadaasi uu hogaaminayo Barre Hiiraale ayaa horey usheegay in ay
ujoogaan magaalada Kismaayo qorshe dhinaca nabada, kaasoo oo ay ku
nabadeeynayaan gobolada Jubooyinka.
Waxaa warka mataxtooyada ka soo baxay uu ku soo beegmayaa xilli maanta
afhayeenka beesha Sade Xasan Dheere uu sheegay in xildhbaanadaa aanay ku
socon go'aan dowladeed oo ay wataan shaqo iskood ah.
.jpg)
Maxamed Hirsi (M/Yare)
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |