Saturday April 12, 2008
Madaxweyanaha Soomaaliya Md.Cabdullahi
Yusuf oo socdaaley Kenya.
Madaxweyanaha Soomaaliya Mudane Cabdullahi Yusuf ayaa maanta socdaal ugu
ambabaxey magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, waxaana la sheegey inuu uga sii
gubi doono waddanka Mareykanaka halkasai oo la sheegey inuu kaga qayb gali
doono shir ay yeelenayaan Golaha amaanka ee Umadaha Midoobey.
Madaxweynaha ayaa la sheegey inuu halkaasi joogi doono muddo maalmo
ah waxaana uu la kulmi doonaaMadax sare oo ka tirsan Qaramada Midoobey iyo
waddamada indhaha ku haya xaalka Soomaaliya.
Warar kale ayaa iyaguna sheegaya in Madaxweynuhu uu la kulmi doono madax
ka socota dowladda Mareykanka waxaana la sheegayaa in maadaxweynuhu uu kala
hadli doono madaxda uu la kulmayo xaaladda Soomaaliya iyo waxyaabihii ugu
dambeeyey ee ku soo kordhay.
Waa markii labaad ee Madaxweynaha Soomaaliya uu booqdo Magaalada New York
oo xarun u ah Umadaha Midoobey, waxay ahayd 2005tii markii uu hadal ka
jeediyey golaha guud ee QM halkaasi ka socdey isagoo markaasi kasoo
kicitimey magaaldaa Jowhar oo xarun u ahayd Dowladda KMG ah.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |