Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Saturday April 05, 2008

3 Oday oo caawa lagu toogtey  degmada Waaberi ee magaalda Muqdisho.

Saddex oday oo ka mid ah dadka aadka looga yaqaanno degmada Waaberi ayaa rag hubeysani ay ku toogteen xaafadda Maajo ee degmada Waaberi.

Dilka Odayaashan ayaa waxaa fuliyey niman dhowr ah oo ku hubeysnaa Bastoolado, waxaana la sheegey in nimankaasi ay ka carareen halkaasi ka dib markii ay toogashada geysteen.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in odayaashaasi ay ka yimaadeen meel lagu cabbo Shaaha oo ay ku caweynayeen ka dibna ay u socdeen masaajidka oo ay doonayeen inay ku tukadaan.

Waax war ah lagama hayo sababta loo diley Odayaashan iyo cidda weerarka geysatey midnaba waxaana jira in dadka degaanku ay la yaabeen waxa keeney in la tuugto dadkan aan waxba galabsanin waxaana jirta in odayaashani aaney wax lug ah ku lahayn arrimaha siyaasadda iyo xaaladda Muqdisho ee lagu muran san yahay.

 

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved