Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Monday April 28, 2008

Maamulka Puntland oo xabsi dheer ku xukuntay Burcad Badeed.

Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Putland ayaa sheegey inay xabsiga dhigeen dad ka qowlaysta badaha oo ku afduubta dadka iyo Maraakiibta.

Maxkamad dadkaasi la soo taagey ayaa la sheegey inay ku xukuntay dadkaasi burcadda ah xabsi dheer dadkaasi oo tira ahaan lagu sheegey inay dhan yihiin ilaa 11 Qof oo lagu eedeenayo faflal burcadnimo ayaa waxay muteysanyaan in xabi gaaraya xabsi daa'in ama cimrigaa ha ku furto.

Maxkamada Sare ee Puntland ayaa sheegtay in ay u adeegsatay sharciga Maamul goboleedka puntland sidaana waxaa sheegay qaar ka mid ah madaxda u xilsaaran amaanka Puntland.

Maxkamada ayaa ragaan burcad badeeda ah ku heshay in ay ahaayeen rag doonayay in ay Afduubtaan maraakiibta Isticmaasha Xeebaha wadanka Somalia waxaana ragaani ay horay u Afduubteen maraakiib sida uu sheegay Bile Qabawsade oo ah la Taliyaha Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland.

Ragaan Buracd badeeda ah ayaa la soo qabtay ka dib markii Ciidamada maamul goboleeda Putland ay la galeen dagaal burcad badeeda Somalida ah xili ay ku sugnaayeen xeebaha Maamul goboleedka Puntland.

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved