Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Saturday April 12, 2008

Qarax ay dad ku dhinteen qaar kalena ku dhaawacmeen oo ka dhacay Iran.

Qarax xoog leh ayaa ka dhacey Masaajid ku yaalla Magaalada Shiraz ee koonfurta dalka Iraan, qaraxaasi ayaa galaaftey dad gaaraya 9 ruux waxaa kale oo ku dhaawacmey 105 ruux.

Sida ay ku warrantey wakaaldda wararka ee Iran ee lagu magaacabo Fars waxaa qaraxaasi uu dhacey goor fiidkii ah habeenimada Sabtida 9kii fiidnimo, waxaana uu ka dhacey masaajid lagu magacaabo Shohada.

Masaajidkaas ayaa waxaa inta badan ku tukan jirey dadka Sunniga ah waxaana la sheegaa in dadka ku tukada ay ahaan qolada ay ku magacaabaan Wahabbi, waxaa wakaaladdu ay sheegtay in qaraxu uu ka dhacey qeybta raggu ay ku cibaadeystaan, inta badan dhaawaca ayaa la sheegayaa in xaalkoodu uu yahay mid aad u liita.

Baabuurta dhaawaca qaadda iyo kuwa dabka baqtiiya ayaa goobtaasi soo gaarey si ay u caawiyaan dadkii halkaasi ku wax yeeloobey, waxaana halkaasi lagu damiyey dabkii uu qaraxu dhaliyey.

Qaraxyada ayaa ah kuwa aan ku badnayn dalka Iraan waxaana dowladda Iraan ay ku hanjabtey inay gacan adag kala hortagi doonta kuwa samaynaya wax yaabo nabadda khal khal galin kara.

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved