Wednesday April 09, 2008
Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka
warbixiyey qarax ka dhacey magaalada B/weyne.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusf Axmed (Yusuf Dabageed) ayaa waxaa uu
shir Jaraa'id ku qabtey xarunta maamulka ee gobolka Hiiraan ka dib markii
magaaladaasi uu ka dhacey qarax weyn oo ay dadna ku dhinteen.
Shirkaasi jaraa,id ayaa waxaa uu guddoomiyuhu ku faahfaahiyey sidii uu
qaraxaasi u dhacey waxaana uu qaraxaasi sheegey inay ka dambeeyaan dadka ka
horjeeda nabadda iyo deganaanshaha gobolka Hirraan.
Mudane Yusuf Axmed dabageed waxaa uu sheegay in qaraxaasi ay dhibaato ka soo
gaartey dad aan waxba galabsanin oo shacab ah isla markaana dhimasho iyo
burburba u gaysteen dadka caadiga ah waxaana uu sheegey in kooxahaasi haddii
ay doonayaan dagaal inay isaga iyo dowladda la galaan ay yaqaanaan halka uu
joogo ayna ugu yimaadaan.
Maanta mar sii horreysay ayey ciidamada maamulka gobolku oo kaashanaya
ciidanka Itoobiya waxay qaadeen wax loogu yeerey hawl gal kaasi oo la
doonayey in lagu soo qabto dadka looga shakiyey inay ka dambeeyaan qaraxyada
iyo dilalka ka dhaca b/weyne waxaana halkaasi lagasoo qabtey dad tiradoodu
kor u dhaaftey 10 qofood waxaana dadkaasi lagu xirey saldhigga Booliiska
magaalada Baladweyne.
.jpg)
Maxamed Yare
Myare@rstvonline.com
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |