Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Monday April 14, 2008

Wasiirka arrimaha Gudaha SL oo shir jaraa`id oo uu ku qabtay Hargeysa kaga waramay arrimo dhowra.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL Mudane C/Laahi Ismaaciil Cali CIRRO ayaa Maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa waxa uu si kulul uga Jawaabay hadalo dhawaan ka soo yeedhay gaar ka mid ah hogaanka xisbiga mucaaridka ah ee kulmiye.

Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha JSL C/Laahi Ismaaciil Cali Ciro, oo halkaasi hadal dheer ka akhriyay waxa uu yidhi “Marka ugu horeysa aniga oo aan faanayn hadaan shaqadaydii hore idiin sheego, waxaan ahaan jirey saraakiishii nabad sugida ka tirsanayd takhasuskayguna baadhe.

hadaba Maxamed Kaahin maalin dhawayd aflagaado xun igu yidhi waliba aan kaligay igu koobnayn ee dad badan oo kale igu daray.

Wuxuu igu yidhi rag buu xiniinyaha kaga siibi jirey halkuu ka shaqayn jirey ee godkii, anigu baadhe ayaan ahaa waxaanu ahayn laba sarkaal, aniga iyo Maxamed Kaahin-na laba kornayl isagu wuxuu soo bartay oo shaqadiisu ahayd sida wax loo dilo, aniguna inaan wax xaqiijiyo oo baadhe ayey ahayd, xagii aan ka shaqayeyna rag badan oo reer Somaliland ah oo nool ayaa markhaati ka ah, waxaa ka mid ah Saaxiibkey Jidhif, Cali Cismaan, Maxamed Xuseen Dalab iyo cid badan oo Hargeysa jooga oo aad idinkuba Wariyeyaal ayaad tihiine cagihiina ugu tagi kartaan oo soo waraysan kartaan waxaan meesha ka ahaan jirey inaan ahaa nin dadka dhibi jirey iyo inaan ahaa nin dadka u roonaa in kasta oo waxkasta taariikhdu sheegi doonto.

Maxamed Kaahin aniga oo ku dheeraanayn meesha uu ka shaqayn jirey ee qaybta 26 aad ee Hargeysa oo dhami shaqada uu hayn jiray ee uu Salxaan u qaban jirey way ogyihiin isaguna wuu ogyahay shaqadii xumaday ee ahayd ee uskaga ahayd, isagana waan xasuusinayaa haddii uu ilaabay, sababtuu uga tagay qaybta 26 aadna waa la wada ogyahay, Soomaaliduna waxay tidhaahdaa umuliso iyo nin weyni siday wax u ogyihiin wax uma sheegaan, baadhuhuna wax weyn ayuu ogyahay faylal badan baanu haynaa rag badan oo isu haysta inay yihiin Mujaahidiin ayaanu ognahay hagardaamooyinkay gaysteen, Maxamed Kaahin Magaalada Burco wuxuu ku maraa go shaal ah, waayo agoomihii uu laayey caruurtoodii, saraakiish uu laayey ee saaxiibadii ahaa ee uu ka mid yahay Ibraahin Layla iyo Haabiil.

Hargeysa halka uu ku tamash leeyo Burco Go shaal ah ayuu ku dhex maraa, markaa taariikhdu sidaasay dadka u kala saartaaa, aniga hadaan is faaniyo iyo haddii kaleba, hadii aan idinka taabto taariikhda, anigu markii aan halkaa joogay 1982 kii dil baa la ii maleegay, waxaana ii maleegay sadex sarkaal oo ka soo kale jeeda beelaha Abgaal, Ogaadeen, iyo Majeerteen, alla ha u naxariistee isaga oo nool Axmed Yaasir ayey fiicnaan lahayd, Cabdi Xuseen diiriye iyo Gabadh kale oo la odhan jirey Sahra Ibraahim oo ay isku qoys yihiin Gaboose, sadexdaa ayaa waxaa la nagu eedeeyey inaanu dhagax tuurkii 1982 kii halkaa ka abaabuley.

Waxaa jirey rag badan oo halkan jooga oo aanu dil ka badbaadiyey, waxaa ragaas ka mid ah in uu joogo iyo in kale garan maayee oo magaciisa la yidhaa Ina Xasan Ciidagale, waxaan horta jeclaa in aan buug qoro, buugaas waxaan ku qorayaa dhacdooyin badan oo dhacay oo ii socda hadaan kiisaskii aan baadhay, waxaan xasuustaa oo kale nin maanta Hargeysa jooga oo waliba aniga qoyskayga xaaskiisii ayaa ku dacweysay inuu yahay basaas Itoobiya ah.

Arintaasi ilaahay ayaa gacantayda soo geliyey sidaas baanan ku badbaadiyey kama sheekayn karo arimaha isoo maray oo way badan yihiin, hase yeeshee dee in la is cambaareeyo oo qofku wuxuu yahay lagu sheego ma xuma laakiin qofka marka waxaanu ahayn lagu sheego diinteenu way ogoshahay inuu is difaaco oo uu qofku karaamadiisa iyo sharaftiisa iyo naftiisaba difaaco.

Anigu in aan maanta ka hadlo oo is difaaco laakin waxaan idinka codsanayaa labadayada idinka oo dhex ah in la baadho labadayadaba, oo aad sheegtaan taariikhahayaga ninkii dagaal sokeeye galay ee agoontii uu laayey ay maanta dalka ku sugan yihiin iyo ka aan noloshiisaba waxba dilin, waxaa kale oo aan idinka ilaaway Maxamed Kaahin markii wasiirka Gaashaadhiga, jaar baanu ahayn waxaan xasuustaa in maalin maalmaha ka mid ah in ciidamadii uu madaxda u ahaa in uu ka cunay wixii loogu dhiibay, dabadeedatana inta ay guriga ugu yimaadeen ay guriga kala baxeen isaga oo faydha qaawan, isla markaana ay gaadhi ku qaateen."

 

 

 

Source:SM

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved