| |
Saturday April 26, 2008
Xaflad aad u sareysa oo lagu soo
dhaweeyey Madaxweynaha Soomaaliya oo ka dhacdey Washington.
Xaflad si
qurux badan loo soo agaasimey ayaa waxa ay ka dhacdey caasimada wadanka
Mareykanka (Washington DC). Xafladaas oo lagu soo dhaweynayey Madaxweynaha
wadanka Soomaaliya Mudane Abdullahi Yusuf Axmed.
Xafladaas oo ay isugu yimaadeen marti sharaf ka kala timid gobolada
Mareykanka, wadanka Kanada, iyo dad kale oo ka yimid yurub.
Marti sharftaas ayaa waxa ay isugu jireen Siyaasiyiin, Aqoon-yahano, Ardey,
Hooyooyin, Macalimiin, Fanaaniin, Suxufiyiin, iyo Ajnabi badan oo ka kala
yimid xafiis yada wadanaka Maraykanka.
Madaxweynaha ayaa waxa la socday wafti heer sare ah oo uu ku jirey wasiirka
arimaha dibada ee Soomaaliya Aqoonayhan Cali Axmed Jaamac (jangali).
Wasiirka oo isagu ku soo dhaweeeyey madaxweynaha shirka ayaa waxa uu hordhac
sii yey marti sharaftii halkaas isugu timid una sheegey in ay caawa ka
dhargi doonaan qudbada madaxweynaha.
Sidoo kale waxa halkaas warbixin qiime leh ka soo jeediyey marti sharaftii
ka kala timid qaaradaha aduunka iyo gobolada Mareykanka iyagoo iska soo
xulay qolo walba qof u warbixiya.

Waxa iyagu hadalka qaybinayey gobalkii martida loo ahaa Soomaalida degan
(Washington DC). Warbixinadaas oo runtii qolo walba kaga warbixineysey sida
Soomaalidu u degan tahay, iskuna kaashadaan, iyo sida ay ugu baahan yihiin
in la helo dowlad Soomaaliyeed.





Ugu dambeyntii ayaa madaxweynaha Soomaaliya Mudane Abdullahi Yusuf Axmed u
istaagey qudbad qiimo leh kagana hadlay marxalado dhowr ah oo ay dowladu soo
martey iyo hada marxalada ay ku jiraan, iyo waxa ay doonayaan in ay qabtaan
inta u dhiman xilkooda. Waxana uu ku soo gabogabeeyey in Soomaalidu gacmaha
is qabsato kuna dadaalaan nabad sidii looga shaqeyn lahaa.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |
|