Wednesday January 30, 2008
John Edwards oo ah Musharrax ka socdey
Xisbiga Dimoradiga ayaa ka ka fariistey tartankii madaxtinimada Mareykanka.
Senatorkii hore ee gobolka North Carolina John Edwards oo aad ugu
mashquulsanaa inuu hanto jagada Madaxweyne nimada Mareykanka ayaa maanta ku
dhawaaqey inuu iskaga harey tartankaasi oo uu dhinaca xisbiga Dimoqradiga ah
ay isku hayeen Hillary Clinton iyo Barack Obama.
Ka tanaasulka uu Edwards ka tanaasuley doorashadaas ayaa waxaa durbadiiba
ugu mahad celiyey labada Musharrax ee kala ah Mrs. Clinton iyo Obama oo
iyagu codka kaga horreeyey Mr Edwards, waxaana ay labadoodu hadda ku
dadaalayaan ianay helaan codadka dadkii Edwards taageersanaa waxaana la
sheegeyaa in qofkii hela codadkaasi uu noqonayo mid awood u yeesha inuu si
aad ah horumar ku gaaro oo uu dhaafo kan kale.
John Edwards ayaa lagu xusuustaa intii uu ku jirey ololaha doorashada
inuu aad uga hadli jirey inuu Amerika ka suulin doono Fakhriga la harey
dadka Mareykanka qaarkood isaga oo sheegey inuuu Amerika ka samayn doono
nolo isu dheelli tiran waxaana uu mar walba booqanayey oo uu la hadli jirey
dadka noloshoodu hooseyso.
si kastaba ha ahaatee waxaa maalmaha soo socda la sugayaa inuu John
Edwards taageero labada Musharrax midkood si u u muujiyo midka uu isagu la
dhacsan yahay mawqifkiisa waxaana ay taasi keeni doontaa in Musharraxa uu
taageero siiyo laga yaabo inuu noqdo musharaxa ka soo baxa dhinaca Xisbiga
Dimoqraadiga ah oo hadda ka taagan yihiin Barack Obama iyo Hillary Clinton.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |