Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Friday January 11, 2008

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Shiinaha oo booqasho ku jooga Itoobiya.

Wasiirka dibadda ee dalka Shiinaha Yang Jiechi ayaa waxaa uu socdaal labo maalmood ah ku joogaa waddanka Itoobiya magaaladiisa Addis Ababa. Hadal qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda ariimaha dibadda ee Itoobiya ayaa lagu sheegey booqashada wasiirka Shiinaha, waxaana hadalkaas lagu sheegey in booqashadaasi ay ku saabsan tahay sidii hore loogu marin lahaa xiriirka ka dhexeeya labada dal.

Xiriirka ganacsiga ee u dhexeeya Itoobiya iyo Shiinaha ayaa la sheegey inuu sii xoogeystey wakhtiyadan dambe waxaana laga yaabaa in booqashadani ay salka ku hayso dhinaca wax isdhaafsiga.

Dalka Shiinaha ayaa si aad ah waxaa uu ugu dadaalayaa inuu hantiyo khayraadka dabiiciga ah ee qaaradda Afrika waxaana haatan Shiinuhu ka shaqeeyaan dalal badan oo ku yaalla Afrika.

Wasiirku waxaa kale oo uu booqanayaa xarunta  midowga Afrika ee Addis ku taalla wxaana la sheegey inuu la kulmi doona madax ka tirsan ururka midowga Afrika oo uu ugu horreeyo Alpha Omar Konare oo ah guddoomiyaha Midowga Afrika.

Bishii April ee sanadkii tagey ee 2007 ayaa shaqaale u dhashey dalka Shiinaha isla markaana ka shaqeynayey xarun shidaalka laga baaro oo ku taalla gobolka Ogaden lagu dilay halkaasi taasi oo ay ka dambeeyeen Ururka ku kacsan dowladda Itoobiya ee u dagaalama Gobolka Ogaden inay ka gooyaan dalaka Itoobiya. Intii shilkaasi ka dambeysay shaqaalihii Shiinaha ahaa ee halkaasi joogey ayaa isaga baxay gobolkaas.

WATCH VIDEO

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved