| |
Friday May 02, 2008
Abwaan Khaalid Cali Guul Aaya Xumada
Qabyaalada
Copenhagen:-Rag hore ayaa ka hadlay cirib xumada qabyaalada, kuwa
suugaan ku tilmaamay oo aad u fara badnaa, mid walibana cadeeyey dhibaatada
qab yaaladu ku hayso bulshada Soomaaliyeed, kuwa qoraalo ku tilmaamay, oo ku
xardhay buugaag farabadan iyo wargeysyo loogu tala galay bulshadu in ay is
gaarsiiso, si ay uga leexato halista mar kasta kaga iman karta, kuwa oraah
ku jeediyey, xafladaha iyo goobaha dadku isugu yimaado, waxay meel ka wada
mareen in dhibaatada hor iyo dibba Soomaalida wax yeeshaa in ay tahay
qabyaalada oo aan meel kale looga iman, ciddi wax yeelo ula socotaa waxay
ugu soo gabataa qabyaaladda, sida dawladihi u soo xaytey gumaysiga waxay
heshiisya la galeen dad matalaya qabiilo, ciddi kala qaybineysaa waxay ugu
soo gabataa qabyaaladda oo iyadaa marka hore colaad laga dhex abuuraa si ay
isu nacaan, dhibaatada dhexdeeda ahina kaba sii daran, oo waa midda halkaas
ina dhigtay, waa tuu lahaa –hadaanaan dhiig fara gelin, amaanaan uus ku
faraxalan, waanaan fadhiyi karin, dadkina iska garan waxaa, qoraalkan kooban
waxan ugaga digayaa faca hadda jooga iyo kuwa soo socda, si aaney isla godki
ugu dhicin oo u oran nalooma sheegin, waana lagama maarmaan in aynu uga
digno ubadkeena berri noqonaya hogaamiyaasha ummadda dhibaatada qabyaaldu
leedahay inagoo soo aragnay, waa tii la yiri – dab aan kulaylki la arag
danbaski lagama leexdo-, waa tuu lahaa Abwaan Cabadullahi Suldaan Timacadde.
Dugsi maleh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.
Nin qabyaalad heensaynayaa, guul ma soo hoyohe.
Halbawlaha suntii idin jartaa, hinif ka siiseene.
Anuunbaw hinqanayee wanaag, uma hiloowdaane.
**
Beydkana waxa leh Abwaan Duncarbeed.
Qab qab dhaafay bey laba qabiil, qaran ku weydaaye.
***
Sadexdani waxay ku jiraan gabagaygi dhulka iyo dhalinyarada.
Qabiil waa dhagraaryee hadaad, hiilu dhinac saarto.
Goortuu aduunyada dhur iyo, dhaqan ku weydaarsho.
Aakhiro cadaab lagu dhiguu, kuula dhaadhiciye.
Dhagraaryo, waa nooc darooga ah oo hadii dadka sanka loo saaro isagoo aan
wax ogayn ku daba gelaya waxa yaqaan reer Goleedka.
Ummad waliba waxay leedahay qaab dhismeed bulsho ama qowmiyad ka dhex
sameeya xiriir iskaashi, halkaas waxa ka samaysma xiriir bulsho oo mar kasta
sal u noqda dhaqankooda iyo hab nololeed kooda, iyo qaabki ay wax u wada qab
san lahaayeen, qaar waxay ku xiriiraan qaab degaan-Tol-, waa kuwa wadaaga
degaan ceel iyo carshin leh, beled iyo beer leh, af, dhaqan iyo xeer wadaag
ah kaas oo ay iyagu samaysteen, waa xiriirka ugu haboon oo danta wadaajiya
dadka, waa kuwa isku danta ah oo aan marna kala maarmin, waa ka duwan yihiin
kuwa dhiiga iyo abtiriska isku xiriiriya, waa kuwa ay wada saamayso hadii ay
yimaadaan abaaro, barwaaqo, colaad, nabad iyo cudurba.
Qaar kale waxay ku xiriiraan qaab shaqo ama hawleed sida xoola dhaqato,
beeraley iyo kaluumaysato, iyadoo xeer wadaag ah iskuna bahaystay qaab
dhaqankooda, kuwana waxay ku xiriiraan qaab urur oo xeerar iyo hab dhaqan
noleleed isugu xiran, intuba waxay ku salaysan yihiin iskaashi bulsho si
siman u wadaaga xeer loo dhan yahay, kuwa diin isku bahaysta, iyo kuwa
kaleba, waana lagama maarmaan in ay helaan caddalad loo siman yahay
xeerarkooda hortooda.
Hadaba inaga waxa la moodaa in aynu kuwaas wada garab maray, oo mel ay
dunidu waaya hore soo dhaaftay weli taaganahay, kaas oo xiriirki ka dhigay
mid ku salaysan qabiil, iyo isku qaraabaysi qabyaaladeed, oo ka duwan kii
Quraanka lagu tilmaamay, waayo jinsiga Soomaaliyeed oo dhan ayaa ah hal
qabiil, qow miyadaha Afrikina waa shucuubti, waxa dadku ku xiriirana waa kan
ugu cad daalad xun, waa kan jideeyey in nin gacan ku dhiigle ah xabsiga laga
sii daayo ama mid ilaahay dil ku xukumay, laga dhaafo oo agoon xoola laga
soo dhacay mag lagaga bixiyo, waa kan ka duudsiya qof waaxyo laga
curyaamiyey xaqiisi, waa kan geysta dilka ay ku magcaabaan aarsiga, oo mid
denbiile ahi marki uu wax dilo iyadoo aan kii wax diley la raadsan mid
khabaar moog ah oo aan wax denbiya gelin loo dilo, taas oo keenta utun iyo
aarsi aan weligi dhamaanayn sida midba kan kale uga aarsanayo, weli lama
arag qabiil ku talaabsaday wax horumar noqon kara, lama hayo mid dugsi
dhisay, ama dad waxbaray, lama hayo mid cusbitaal dhisay, lama hayo mid ceel
qoday, jid ama wax kale oo waxtar leh mid qabtay- waanse aragnay waxa ay
dumisey, oo waxa inagaga filan mee qaranki Soomaaliyeed.
Waayadi hore intaan qabiilku dalka ka talin jirin,waxa talada dalka hayey
Tol, waxa hogaamin jirey rag la ogaadey ama la hubiyey in uu ku sifoobi karo
hogaamiye bulsho oo jitaabooyin fara badan la soo mariyey, iyadoo lagu
hubsaday inti dhaqanku qofka ku amaani jirey, sida dulqaadka, dadwadka,
cadaalada, go´aan qaadashada, iyo deeqda, sidi uu u xaliyo dhibaato hadey
dhacdo, labadi isim dhaqameed ee Soomaalida ugu mudnaan jirey waxay ahaayeen
Boqor iyo Wabar, labaduba waxay tilmaamayaan dhexda iyo dhex dhexaad.
Haddase waxa qabiilka hogaamiya midki loo garto in uu gar maqaate yahay, waa
kan daafici kara xaq lagu yeeshay cid qabiilka ka tirsan oo cagta ku dhufan
kara, ama soo hoyi kara wax aaney xaq u lahayn qabiil kaasi oo jinni ku saar
lagu keenay, waa kan abaabuli kara colaad dhiig sokeeye lagu daadiyo, kana
dhex abuuri kara isnecayb iyo dagaala joogta ah bulsho meel wada degan oo
isku tol ah oo ku reeba utun raagta, waa kan dadka ku hadada in uu cir iyo
dhul kala hayo, oo yiraahda waxan soo kicinayaa reer hebel, isimada hadda
joogaa sidaas ayey u badan yihiin, mana laha astaamihi isimadu lahaan jireen
ee is xurmaynta, xishoodka, iyo wada tashiga laan jirey, waxay kale oo is
cawaan sadaan kan siyaasiga ah oo aan isku kal soonaayn oo aan hayn wax kale
oo
uu dadka la hor yimaadi ama dadku ku raaci karo.
Waxa ka sii daraatay marki aynu dawladnimadi ku dabaqnay oo mid la mid ah
kan qabiilka horboodaya maantay, la doonay in uu Qaran hogaamiyo, bal aan is
weydiino maxaa qofku u doonayaa oo ugu dagaalamayaa isagoo naf iyo maalba u
huraya in midka la qabiilka ahi noqdo madaxa Qaranka ?, waxan filayaa in ay
inagaga filantahay in aan ku gaabsano, waxaynu rabnaa in kan madaxda
noqonayaa caddaalad daro ku maamulo dawladda, una sameeyo kan ay isku
qabiilka yihiin eex, iyo qaraaba kiil, oo aynu marka horeba caddaalad daro
heshiis ku nahay oo xaqdaro iyo eex u tartameyno, arimahaas oo aynu horay u
soo aragnay salkoodina soo taabanay, weli waxaynu ku sii barbaarineynaa
dhalinyarada berri noqonlahayd madaxda dalka, oo aynu dhiigi qabiilka
kebineynaa, dhawrkan beyd waxay ku jiraan gabaygaygii xiliga duufsan bay
wadey oo aan tiriyey 2002.
Nin qabiil duraansaday miyaa, idin daryeelaaya?.
Degta qori nin saarsaday miyaa, daacad noqonaaya?.
Mid shisheeye duufsaday miyaa, debinka kaa saari?.
Laba daran ma kala dooranaa, dani miyey keentay?.
***
Dadki uu qabiil kala dilee, dacalba meel aadey.
Bal mar maysku daynaa inaan, dib u walaalayno.
Dalki aan ku wada loofariyo, dogobadaan oogney,
Bal mar maysku daynaa inaan, damino qiiqooda.
***
Doorkii shuruucdiyo la waa, kala damayntiiye.
Bal mar maysku daynaa inaan, dawlad soo celino.
Ninna samaha kuma doorsan karo, dil iyo laystaane.
Bal mar maysku daynaa inaan, nabad ku daanshoono.
***
Ninki daahiraa lagu xirtaa, duhur salaadeede.
Marya diniq leh nuuxii sitoo, aano daba joogto.
Dal inuu hogaan shiyo ha sugin, dawlad caadilahe.
Bal mar maysku daynaa inaan, dib uga xaajoono.
***
Hadaba waan aragnay sida qabyaaladi inoo burburisey, waxay digada ka dhigtay
saldhigi dhaqaalaha, waa tan dumisey magaalooyinki taariikhiga ahaa, waa tan
burburisey wershadihi wax tarka ahaa iyo beerihi dadka dalagu uga soo bixi
jirey, waa tan dumisey dhamaaan kaabayaashi dhaqaalaha, wa tan dumisey
dawladnimadi iyo rukumadi aasaasiga ahaa ee shuruucdi dalka lagu hogaamin
jirey, waxay dhabarka ka jebisey bulshadi Soomaaliyeed ee xurmada iyo
xishoodka ku wada noolaan jirtey, qabka iyo isu hanweynida lahayd, waxay ugu
bedeshey utun iyo uurxumo, waxay waxan jirin ka soo qaaday dhaqanki
Soomaaliyeed ee soo jireenka ahaa, waxay qabyaaladi ku tumatay xeerarki
bulshadu dhigatay oo hab nololeedkeedu ku dhisnaa, shuruucdi diinta Islaamka,
waxay tirtirtay qowmiyadi Soomaaliyeed ee hanka weynayd, waxay inaga reeb
tay asaageen, welina ma muuqato cid rabta in ay ka tashato, oo dhibaata
diisa meel iskaga tuurto, waxad moodaa in jiilba jiil u sii dhiibayo, dad
badan ayaa suugaan kaga hadlay, waxa lagu soo saaray heeso, gabayo,
buraanburo, guurow iyo geeraar qof waliba xubinti uu suugaanta ku curinayey
waa ku muujiyey dhibaatada qabiilka, hadana ka harimeynee inti aan awood u
leenahay waa in aynu la dagaalaa qabyaalada.
La soco taxanayaasha kale
Abwaan /Qoraaga
Khaalid Cali Guul
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |
|