Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Friday May 09, 2008

Degmada Afmadow ee gobolka J/ Hoose oo yeelatey maamul cusub

Munaasabad aad u ballaaran ayaa maanta waxaa ay ka dhacday dagmada Afmadoow ee gobolka Jubada Hoose waxaana musnasabaasi kasoo qeyb galay siyaasiin waxgarad cuqaal salaadiin iyo culumaa'udiinka dagmada Afmadoow ee gobolka Jubada Hoose.


Munaasabada ayaa ujeedada loo qabatay waxaa ay ahayd in maamul looga dhawaaqo dagmadaasi taasi oo maalmihii ugu dambeeyay si weyn qabanqaabadeeda ay ugu socotay dagmadaasi islamarkaana ay wadeen waxgaradka beelaha dagmadaasi iyo culumaa udiinka iyo sidoo kale guud ahaamba dadka dagmadaasi  ay lahaayeen kulamo ay kaga tashanayaan aayaha dadka dagmada afmadoow taasi oo maanta u suurtoowday in looga dhawaaqo maamul cusub oo ay yeelato degmada Afmadoow .

Xafladdii lagu qabtey magaaladaasi ayaa waxaa lagu sheegey in degaankaasi uu yeeshey Guddoomiye cusub oo ay soo doorteen dadka degaanku waxaana noqdey guddoomiyaha degmada Afmadow  Cabdiqani Sh. Maxamed waxaana sidoo kale isaguna kuxigeen loo doortey  Maxamed Sahal Iidle.

Wararku waxaa ay sheegayaaan in goobtaasi lagu magacaabey guddi hoosaadyo iyo xubno ka mid noqon doona maamulka cusub e loo sameeyey Afmadow.

Xafladdaasi waxaa hadalo ka jeediyey Cuqaasha iyo wax garadka degmada Afmadow ku nool oo uu ugu horreeyo Suldaan Cabdi Cali Sonkor oo ah suldaanka beesha dagta dagmada afmadoow iyo nawaaxigeeda waxaana uu k awaramay baahida loo qabo in la helo maamul shaqeeya oo ay yeelato degmada Afmadow iyo dadka degaankaasi ay iyagu isku tashadaan si ay u gaaraan wax yaabaha aasaasiga ah ee loo baahan yahay sidaasi dadrteedna waxaa looga baahan yahay dadka dadka Jubada Hoose ku nool inay la shaqeeyaan maamul;kaasi cusub ee loo disey Afmadow ayuu ku soo gaba-gabeeyey hadalkiisii suldaan Cabdi Cali Sonkor.


Guddoomiyaha Cusub Cabdiqani  Sheekh ayaa isaguna halkaasi ka hadley  waxaana  ka codsaday dadka afmadoow in ay la shaqeeyan maamulka maamdaama ay doorteen dadka deegaanka loogana baahanyahay in dhibta halka ay ka jirto aysoo sheegaan si looga baxo horumar la'aanta iyo  amaanka darida halkaasi ka jirtey wakhtiyadii la soo dhaafey.

Magacaabistaasi la soo magacaabey maamulka degmada Afmadow ayaa u muuqata mid ay dadka magaaldu ku kalsoon yiohiin waxaana la filayaa inay la shaqeeyaan iyadoo ay horey u jirtay maamul ay soo magacawday dowladda Fedderaalka oo isagu aan sidaasi u shaqeyn jirin bilihii la soo dhaafey

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved