Wednesday May 07, 2008
Baaq ay soo saareen Odayaal iyo wax
garad ka tirsan gobolka Mudug.
Waxaa bayaan ka soo saaray magaalada Gaalkacyo Odayaal dhaqameedyo iyo
waxgaradka kale oo ku sugan magaalada Galkacayo ,baaqaan ayaa waxaa uu
dabajoogaa baaqyo horay looga soo saaray magaalooyinka waaweyn ee Puntlland
laguna canbaaraynayo dhalinyaradii dhawaan ay maamulka Puntlland u dhiibeen
ciidanka Itoobiya.
Odayaasha dhaqanka iyo cuqaasha magaalada Gaalkacyo ayaa ku sheegay
bayaankooda in ay marna ka raali ahayn falkii ay ku kaceen qaar ka tirsan
maamulka Puntlland waxayna arinkaas ka raali gelinaynaa guud ahaan shacabka
Soomaliyeead gaar ahaan dadka aan ehelka nahay ee dhibaatadu ay gaartay
waxaana ka codsanaynaa in maamulka Puntlland jawaab cad ay ka bixiyaan
falkaas.
Dadka Bayaanka soo saaray waxaa ka mid ah:
1-Caaqil Cabdiwahaab Maxmaud Gurey
2- Nabdoon Bashiir Maxamud Dalmar
3-Nabdoon Siciid Nuur Dirir
4- Nabadoon Yaasin Cabdi Samad
5- Cismaan Maxamud Xaaji Xasan
6- Saleebaan Dakahre iyo qaar kale.
SM
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |