| |
Monday May 12, 2008
Baaq
Nabadeed oo ku socda Beelaha Shabeelaha Dhexe.
Waxaan aad uga xunnahay guud ahaan dagaalada ka soo cusboonaaday meela
badan oo ka mid ah gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Mahadeey ee ka
tirsan gobalka Sh/Dh ee Jowhar oo aay ku dagaalamaayaan labo jufo oo walaalo
ah, kana soo wada jeeda beelweynta Mudulood.
Waxaa loogu baaqayaa labadaan jufo ee wada dhashey in aay dagaalka si deg
deg ah, oo aan sharuud laheyn u joojiyaan dagalka, wixii khilaafaada amba
lagu muran-san yahayna, waa in lagu dhammeeyo wada hadal iyo wada xaajood
loo bandhigaayo walaalaha kale ee Mudulood, si aan loogu sifoobin shiribkii
caanka ahaay ee uu yiri Alaha unaxariistee abwaan Faarax Seefey " Wiil hebel
wiil hebel kaloow usha iyo eebada u sitaa", waa in la xusuus-naadaa in laga
soo gudbey xilligaas, waxaana la joogaa xilli lagu xisaab-tamaayo sidii loo
gaari lahey xiddigaha, sidaas awgeed waa in uu xisku shaqeeyo oo uusan
shaqeyn xooggii casri jaahiliga.
Siloo gaaro hadafkaan, waxaa loogu baaqayaa dhammaan odayaal dhaqmeedyada,
Culumaa'udiinka, waxgarad, aqoonyahannada, haweenka, siyaasinta,
ganacsitada,
dhalinyarada iyo duubabka Mudulood oo uu ugu horreeyo Iimaan mohamoud Iimaan
Cumar iyo Ugaas Mohamoud Ali Ugaas Abdulle in loo wada istaago daminta
colaadaan soo laa-labatay dhowr jeer.
Ugu danbeyntii waxaa loogu baaqayaa dhammaan Jaaliyada Mudulood ee ku kala
nool daafadaha dunida inaay ka soo saaraan baaqyo nabadeed guud ahaan
dagaalada ka soconaaya gudaha Soomaliya, gaar ahaan kan hadda ka soconaaya
meela badan oo ka tirsan Gobalka Sh/dh. ee Jowhar.
Baaqaan Nabadeed waxaa soo bandhigaaya magacyada hoos ku tiran:-
1. Caaqil Haji Mohamoud Ali ( Koogaar) G/M N.A.
2. Prof. Mohamoud M. Ali (Tuur-yare)
3. Prof. Ali Jimale Ahmed
4. Profs. Khadijo Ossoble Ali
5. Profs. Dahabo Ahmed Barahow
6. Dr. Ibrahim Macow Osman ( Ghandi)
7. Dr. Osman Mohamed Sheikh
8. Islaw Ahmed Islaw
9. Eng. Abdulqadir Mohamed Noor (Enow)
10. Sheikh Hassan Ali Alassow
11. Sheikh Ali Hussein
12. Nabaddoon Ahmed Shutul
13. Nanaddoon Haji Hussein Jimale
14. Abdulle Hassan Nurrow
15. Mouse Kuulow (RFS)
16. Muhudin Hassan Jimale
17. Dayib Mohamoud Sheikh
18. Haji Hussein Adle A. Dhicisow
19. Eng. Ali Noor ( Mugambe)
20. Abdulqadir Alassow Ossoble ( Kuwait)
21. Salah Mohamed
22. Hussein Alassow Goley
23. Ali Mohamed M. Wehelie
24. Omar Aw Roble
25. Shukri Tohow Mohamed
26. Abdullahi Haji Omar
27. Shido Hassan Jiis
28. Mukhtar Ahmed M. Katiitow
29. Ugas Mohamed Hassan ( Gacamey)
30. Ahmednoor Farnajo
31. Ahmed Dhac Dhacow
32. Dahir Daamey
33. Sheikh Ali Hilowle
34. Abdullahi Haji Mohamed
35. Mohamoud Muudey Hassan
36. Moallim Salah Aw Ahmed
37. Abdullahi Ali Alassow
38. Moallim Salah Aw Ahmed
39. Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Rochester, MN.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |
|