May 9,2008
Gudoomiyaha
ahna duqa Beesha Waceysle ee gobolka Minnesota oo la doortay
Rochester, MN: Waxaa dhawaanahan ka
socday shirar kale duwan gudaha North America iyo London shirar is daba jog
ah kuwas oo looga xaajonayay midnimada Beesha Waceeysle iyo horumarinta
deegaanada ay beeshu degto. dhawaan ayaa waxaaa kulan weyn lagu qabtay
magaalada Rochester ee Gobolka Minnesota kulankaas oo ay soo xaadireen xubno
ka koooban ganacsatada, duqeyda, aqoon yahanada, culuma'udiinka , iyo
haweenka beesha Waceysle, Abgaal. Kulankaas waxaa lagu go'aamiyay in beeshu
yeelato hal gudoomiye isla markaana ahaan doona duqa Beesha Waceysle ee
Gobolka Minnesota waxaana loo magaacabay Xaaji Xuseen Jimcaale Cadde
gudoomiyahaas ayay beeshu la shaqeyn doontaa isaga ayaana dooran doona
xubnaha la shaqeyn doona, waxaa kaloo halkaas lagu ansixiyay in beeshu
yeelato afar dhalin yaro oo aqoon yahano ah kuwaas oo iyagana matali doona
beesha Waceysle.

Guntii iyo gabagabadii shirkaas ayaa waxaa ujeedada ugu weyn ay ahayd in
beeshu yeelato meel lagala soo xiriiro iyadoo awal lahayd hadana la sii
adkeeyay iyo waliba in beesha in walaalahooda Mudulood ay wax la wadaagaan
samaanta iyo xumaantana ay is faraan iyo in waliba beesha gudoomiyaheeda uu
xiriir la sameysto dhamaan beelaha walaalihiisa ah ee Mudulood iyo kuwa kale
ee Soomaaliyeed.

Hadaba waxaa halkaas logu lafa guray sidii dhaqaale xoog leh loogu heli
lahaa horumarinta ka socota deegaanada Beesha. Waxaana la doonayaa in
gudoomiyaha cusub uu u tafa xayto sidii uu uga qayb qaadan lahaa dhismaha
tayada leh ee ka soo iftiimay deegaanadii ay ka yimaadeen madaxdii soo
martay beesha taas oo mudan inaan la hilmaami Karin in wax loo qabto waxna
la baro ubadka ku nool dhamaan deeganada ay beeshu degto. Hadaba kulnkaas
ayaa waxaa qadka Telefoonka uga qeyb qaatay ganacsatada beesha Waceeysle ee
ku sugan Dalka Dubai kuwaas oo halgan dheer ugu jira siday u suurto gelin
lahaayeen horumarka ka socda degaanka. Waxuu kulankaasi ku dhamaaday is af
garad iyo duco.

“Waxaana ugu baaqayaa dhamaan beesha Waceeysle ee qurbaha ku nool
inay ka qeyb qaataan dhismaha iyo horumarinta deeganadooda.”ayuu yiri
Hussein Jimcaale.

Wabillahi Towfiiq
W/D: Muqtaar Ahmed Mohamud “Katiitow”
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |