Thursday May 01, 2008
Guddoomiyihii
gobolka Hiiraan oo diidey inuu xilka iska wareejiyo.
Gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axamed Hagar Dabageed waxaa
uu maanta sheegay in uusan sina Xilka u wareejin doonin kadib markii
shalay wareegto ka usoo saarey xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Nuur
Cadde laguna sheegay in xilkii laga qaaday dad badan oo ka mid ahaa
maamulkii Hiiraan.
saacado kadib ayaa gudoomiyhii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed
Hagar (Yuusuf Dabageed) oo la hadlayay Warbaahinta Gudaha waxaa uu sheegay
in uusan Ra’isul Wasaare Nuur Cadde ka qaadi karin isla markaana uusan wax
xil ah uusan dhiibi doonin.
“Waxaa I soo magacaabay Madxweeynaha Waxaana xilka iga Qaadi kara
Madaxweeynaha Nuur Caddena xil igama qaadi karo waxaan xilka ka degaayo ma
jirto” Ayuu Yiri Yuusuf Dabageed.
Yuusuf Dabaged ayaa sidoo kale sheegay in ay dhibaatooyin kala duwan uu kala
kulmay xiligii uu xilka hayay isla markaana ay kaga baxday hanti fara badan
in xil laga qaadana aysan munaasib aheeyn xiligan.
Yuusuf dabageed waxaa uu hadalkani sheegey isaga oo jooga magaalada lagu
magacaabo waxaana uu sheegay in deegaankasi ay u joogaan Arimo Amaan Sugid
ah.
Shalay goor dambe ayuu R/wasaaraha Soomaaliya waxaa uu saarey wareegto uu
maamul cusub ugu magacaabayo gobolka Hiiraan waxaana ay taasi ka dambeysay
markii maalmihii ina dhaafey gobolkaasi aaney ka jirin wax maamul ah oo
shaqeynayey.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |