Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Wednesday May 14, 2008

Shan qof oo lagu xirey garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso.

Ciidamada amaanka ee Magaalada Boosaaso ayaa qabtey Shan Nin oo ka soo dagayey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ,sida ay sheegayaan Warar Madax banaan.

Ragan la qabtey ayaa lugu tuhmayaa in ay ka tirsan yihiin Jamhada Hubeysan ee ka soo horjeeda dawladda Itoobiya ee ONLF ,sida ay tibaaxayaan Warar hoose oo ka soo baxaya dawladda Puntland.

Ciidamada Sirta ee Puntland ayaa ragan ku qabtey Garoonka Boosaaso ,ayadoo ay arintan uekayd Arin mudo dheer lala socday ,ayagoo nimanka soo maray Maamulada Jabuuti & Hargeysa.

Ciidamada Sirta ayaa nimankaasi geeyey Saldhig kuyaala Gudaha Dekeda weyn ee Magaalada Boosaaso ,halkaasi oo su'aalo ay ku weydiiyeen Sirdoonka Xukuumada Puntland ayagoo xalayna la gaarsiiyey Magaalada Garowe.

Wada hadalo badan oo ay yeesheen Culumada Puntland & Madaxda dawladda Puntland ayaa suurtagaliyey in Nimankaasi dib loogu celiyo Magaalada Boosaaso oo laga qabtey ,ayna halkaasi ka socdaan Baaritaanada ku aadan Dambiyadooda.

Xukuumada Puntland oo dhan waxa ay ka gaabsadeen ka hadlida qabashada Nimankaan ,waxa ayna Puntland maalmihii ugu dambeeyey ka jirey Tuhun ay qabeen Dadweynaha oo ku adaan heshiis dhexmaray dawladda Puntland & Xukuumada Itoobiya oo ku aadan isku celinta dadka lugu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin Jamhada la dagaalamaya Maamulka Meles Zanewi.
 

 

Allpuntland.com

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved