Thursday May 08, 2008
Dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan meelo
ka mid ah oo ay dad ku dhinteen.
Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanada Garisiyaani iyo Nuur-fanax, halkaas oo
lagu weeraray ciidamada Ethiopia oo marayay wadada dheer ee laamiga ah ee
isku xirta koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya kadib markii ay ka soo baxeen
degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan.
Dagaalkan, oo la sheegay in uu ahaa kii ugu cuslaa, ayaa waxaa uu khasaaare
ba'an u gaystay dadka rayid ah ee deegaanka lagu dagaalamay, oo maalmihii
ugu dambeeyay ay halkaasi u yimaadeen roobab dhawaantan ka da'ay waxaana ay
reer miyigu doonayeen inay daaqaan dhulkaasi.
Dagaalka ayaa waxa la sheegay inuu ku dhintay hogaankii maxkamadaha ee
gobolka Hiiraan oo lagu magacaabi jirey Sheikh Aamin Barkhadle.
Afhayeen u hadlay maxkamadaha ayaa shaaca ka qaadey in ay dhinaca
ciidamada Ethiopia u gaysteen khasaare oo ay ka gubeen laba baabuur iyo
ciidankii saarnaa hase yeeshee waxaa adag sida lagu caddeeyo khasaaraha
gaara ciidanka Itoobiya waxaana la rumaysan yahay in dagaalkaasi uu ahaa mid
adag kaasi oo dhexmarey kooxaha ku gacsan dowladda iyo ciidamada Itoobiya
waxaana maalmahan dambe la arkayey dagaalo ka dhaca meelo ka baxsan Muqdisho.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |