Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Sunday May 04, 2008

Maxamed Dheere oo ka jawaabey hadalkii wasiirka Warfaafinta Axmed C/salaan.

Maxamed Cumar Xabeeb  Maxamed Dheere oo ah guddoomiyaha Gobolka BAnaadir ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal kasoo yeeray maanta wasiirka warfaafinta ahna ku xigeenka R/wasaaraha Soomaaliya Md. Axmed Cabdisalaan hadalkaasi oo ahaa in dowladdu doonayso in gobolka Banaadir loo sameeyo madax ay dadku soo doortaan si loo gaaro nabad waarta.

Haddaba Maxamed Dheere oo la hadlayey warbaahinta gudaha ayaa sheegey in wasiirku aanu shaqa ku lahayn maamulka gobolka Banaadir iyo guud ahaan maamul u sameynta dalka waxaa kale oo uu sheegey in arrimaha dhismaha maamulada gobolada dalka ay u xilsaaran tahay wasaaradda arrimaha gudaha isagoo walibana intaasi sii raaciyey inuuu isagu u qalmo in lasoo doorto xitaa haddii la sameeyo doorasho waxaana uu si cad u qeexay inuu kalsooni buuxda ku qabo ina shacabka Muqdisho ay soo dooran doonaan isla markaana uu xaq u leeyahay in inuu isu soo taago doorasho haddii loo baahdo.

Waa caadi iska noqotey in madaxda Dowladdu ay iyagu isu jawaabaan marka mid ka mid ahi uu warbaahinta ka sheego wax isaga  ugu  muuqda inay keeneyso xal lagaa gaaro dhibaatada dalka ka jirta waxaana mararka qaarkood la isweydiin karaa in madaxda dowladdu isku si wax u wadaan.

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved