Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Sunday May 04, 2008

R/wasaare Nuur Cadde oo ku soo laabtey magaalada Muqdisho.

R/wasaaraha Dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Nuur Xuseen Xasan (Nuur Cadde) ayaa dib ugu soo laabtaymagaalada  Muqdisho ka dib booqasho uu ku tagay xarunta gobolka Bay ee Baydhabo oofariisin u ah  Baarlamaanka Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Raysalwasaraha ayaa intii uu joogay Baydhabo waxaa uu ka qaybgalay kulamada Baarlamaanka halkaasi oo su'aalo badan lagu weydiiyey isaguna uu ka jawaabey wax yaabihii la weydiiyey.

Xildhibaanada Baarlamaanka qaara ka mid ah ayaa R/wasaaraha  waydiiyay su'aalo la xiriiray waxa ay dawladiisu qabatay mudadii ay jirtay, Raysal wasaaruhu ayaa isku dayay inuu uga jawaabo su'aalahaas isagoo doonayey inuu aad ugu qanciyo baarlamaanka wax qabadka DKMG ah wuxuu u sheegay in xukuumadiisu hawlaheeda xooga ugu badan ay galisay xagga dib u heshiisiinta iyo nabadeynta, isagoo tilmaamay in ay hawlahaasi  meel fiican ay u marayaan, waxaana uu qirey inuu rajo wanaagsan ku qabo hawlaha dib u heshiisiinta.

R/wasaaraha ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu halkiisii ka sii ambaqaado dadaalkiisii ku saabsanaa dib u heshiisiinta dalka isagoo la filayo inuu kulamo la qaato qaar ka mid ah golihiisa wasiirada iyo dad kale oo muhiim u ah nabadeynta.

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved