Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Wednesday May 07, 2008

Qarax xooggan oo ka dhacey meel ku magaalada Baydhabo.

Qarax aad u weyn  ayaa waxaa uu gilgiley goor dhaweyd meel  duleedka ka ah Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, waxaana ay wararku sheegeyaan in qaraxani  lala beegsaday gaari ay wateen qaar ka mid ah Ciidamada DFKM

Qaraxaan ayaa la tilmaamay in uu ahaa miinada laga hago qalabka  Remuudka waxaana lagu tilmaamey inuu geystey khasaare dhimasho oo gaaraya ilaa iyo laba ruux oo la filayo in labaduba ay ka mid ahaayeen ciidankii halkaasi marayey, waxaa kale oo la sheegayaa in uu jiro tiro dhaawac ah oo halkaasi ku dhaawacantey.

Dhaawaca dadkaasi  ayaa la sheegay in la soo gaarsiiyay Cusbitaalka Magaalada Baydhabo islamarkaana warar faah faahsan lagama hayo xaaladda dadkaasi dhaaca ah walowararka qaar sheegayaan inay jiraan dad liita oo xaalkoodu daran yahay.Meeshii uu qaraxu ka dhacey ayaa waxaa la soo dhigey ciidamo xooggan oo hareereerey dhamaan goobahaasi mana jiraan wax ah faahfaashsan oo kasoo baxay maamulka gobolka Bay iyo dowladda Federaalka ee KMG ah.

Qaraxyada ayaa maalmahan ku soo badanayey magaalada Baydhabo halkaasi oo fariisin u ah baarlamaanka Federaalka mar marna ay ku hawl gasho dowladda Federaalka KMG ah waxaana jira dadaallo ay wadeen maamulka gobolka Bay oo ay doonayaan inay ku xadeeyaan amaanka gobolka Bay gaar ahaan magaalada Baydhabo.

 

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved