Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Monday May 12, 2008

Qarax loo Geytey Ciidamada Itoobiya kuwaasi oo marey meel ku yuulada Leego.

Kolonyo ka tirsan Ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaaliya ayaa waxaa loo geystey qarax  xoog badan kaasi oo u muuqdey inuu ahaa Miino dhulka lagu aasey qaraxaasi waxaa uu ka dhacay degaanka lagu magacaabo Leego oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararku waxaa ay tibaaxayaan baabuurta gaareysa ilaa 3 ah kuwa ciidamadu isticmaalaan uu wax yeeleeyey qaraxaasi waxaana la sheegeyaa in ciidamadaasi ay fariisin ka dhigeen meeshii qaraxu ku qabsadey si ay sugaan amaankooda waxaana ay dadka degaankaasi ku dhawaa sheegeyaan in aan la ogeyn waxa ka dhashey qaraxaas ama khasaare uu keeney.

 
Maalmihii ugu dambeeyey waxaa la soo shegayaa in wadada u dhaxeysa Baydhabo iyo Muqdisho ay aad u adkeyd in la isticmaalo gaar ahaan Baabuurta ay leeyihiin mudanayaasha Baarlanmaanka iyo waliba gaadiidka loo maleynayo inay leedahay Dowladdu waxaa soo badanayey wax yeelada loo geysnayey gaadiidkaas, maalmo ka hor ayay ahayd markii gaadiid uu lahaa wasiirka amaanka lagu weerarey isla gobolka Shabeelaha Hoose iyadoo halkaas ay ka dhaceen dhimasho iyo dhaawacba.

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved