| |
Thursday May 15, 2008
Xusuus loo sameynayo wariyeyaashiii hal
sano ka ahor ku geeriyoodey Shabeelaha Dhexe
Magaalada Jowhar ayaan wali ka go’in xusuusta Geeridii Wariyeyaashii
Idaacada Jowhar u shaqeynayay, iyadoona Hal sano ka soo wareegatay
geeridoodii Wariyeyaasha Abshir Cali Gabre iyo Axmed Xasan Mahad, kuwaasoo
la dilay, xilli ay howlahooda shaqo gudanayeen.
Waxay ahaayeen labo nin oo niyadayda marna ilaabi doonin, waxay ahaayeen rag
aan hal waddo ku wada soconay taas oo ay ahayd in Soomaaliya laga dhaqan
geliyo Saxaafadda Xorta ah, xusuusta reer Jowhar iyo Xusuustayda gaarka ah
labadaba marna ma ilaawi doonaan shaqsiyada raggaas geeriyoodeen 15-kii May
sanadkii 2007 da.
Abshir Cali Gabre iyo Axmed Xasan Mahad, Labada Wariye waxay dadka Reer
Jowhar ku xusuustaan waxqabadkooda taariikhda leh ee ay muujiyeen mudadii
Ifka ay joogeen, taa ayaa keentay in Sanad kasta la xusuusto Wariyaashaas oo
gacan ka gardaran dishay.
Allaha U Naxariiste waxay ka tageen Labo arrimood, mida koowaad waxay
abuureen dhalinyaro kuwaas oo hadda ka dhex muuqda Saxaafadda Soomaliya,
waxay kaloo Bulshada u sameeyeen barashada adeeg caafimaad oo mid ka mid ah
raggaas aqoon u lahaa, waana Abshir Gabre.
Macalinku ma dhinto, waayo wax buu ka tagaa, waxay ka tageen aqoontooda oo
dad badan qiimo u lahayd, taas ayaana keenta mar kasta in la xusuusto
raggaas.
Dhageystayaasha Idaacadda Jowhar, marka ay Idaacadda Hawada soo gasho ama ay
maqlaan Barnaamijadii ragaas lagu yiqiinay waxay soo hadal qaadan magacyada
Labadaas Wariye.
Haddii aan mid mid u soo qaato Labada Wariye aan ku hormaro Gabre wuxuu ku
dhashay Magaalada Muqdisho sanadkii 1973-dii waxaa lagu xusuustaa
Barnaamijkii Caafimaadka ee Idaacadda Jowhar ka bixi jiray iyo Barnaamijo uu
ka mid ahaa Barnaamijka Faaqidaada wararka Soomaaliya, labadaas Barnaamijo
dad fara badan ayaa ku taxnaa.
Wuxuu ahaa nin inta badan igu dhiira gelin jiray Barnaamijyadii aan ka
daadihin jiray Idaacada, sidoo kale waxaan iskala shaqeyn jirnay Website-kii
la oran jiray Guulane.com ee ku hadli jiray Afka Maamulka G/Sh/Dhexe.
Wuxuu ahaa Wariye ugaga soo warami Idaacada Jowhar Magaalada Marka oo howle
shaqo ka hayay, wuxuu abuuray nidaam Idaacadda ku talaabsatay horumar kadib
markii uu noqday ninkii ugu horeeyay oo Warka ku baxa Idaacadda geliya Web
site-ka, in kastoo uusan Abshir ka mid ahayn raggii aasaasay Idaacadas
haddana wuxuu ku soo kordhiyay Idaacaddaas barnaamijo kala duwan, wuxuu
Abshir Allaha u naxariisto ifka kaga tagay Xaas iyo Labo caruur.
Axmed Xasan Mahad, waxaa uu dhashay 1981 dii isagoo ku dhashay Magaalada
Jowhar, waxaa uu ka mid ahaa dhalinyaradii aas aastay Idaacadda Jowhar,
waxaa uu ahaa nin aad u firfircoon oo dadaal badan lahaa, wuxuu Dugsiga
Hoose dhexe iyo sare uga baxay Schoolka Intersos ee Magaalada Jowhar, wuxuu
if ka kaga tagay Xaas iyo Labo Caruur.
Waxaan si gaar ah ugu xusuustaa howlo badan oo aan wadaagnay oo dhinaca
Saxaafadda, waxaan wada galnay Safaro shaqo oo aynu ku tagnay Gobolada dalka
qaarkood, tusaale ahaan waxaan aniga iyo isagaba ka mid ahayn Wariyaashii
tagay Baydhabo sanadkii 2006 dii Bishii Febarayo markii uu halkaas ka
furmayay kala fadhigii Baarlamaanka, anagoo ka mid aheyn Wafdigii
Baarlamaanka qeybta Jowhar fadhiday ee ka ambabaxday Garoonka Diyaaradaha
Magaalada Jowhar.
Axmed waxaan si gaar ah ugu xusuustaa Kaftankii iyo sheekadiisa, waliba
intii aan joognay Baydhabo, xilligaasoo aan Hal qol wada degneyn.
Labada wariye waxay dhinteen iyagoo ku gudi jiray howlahooda shaqo, waxay ka
mid ahaayeen Wafdi Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe kuwaas oo
socdaal ku marayay degmooyinka Gobolkaas balse nasiib daro waxa dhacay wax
cid kasta sugayso taas oo ay ahayd geerada labada Wariye kadib markii ay ku
dhex dhaceen xaalad colaadeed oo labo beel oo wada dega Gobolkaas ka dhex
taagnayd.
Meydadka Labadaas Wariye si xun ayaa loola dhaqmay, waxaa mid ka mid ah
korkiisa ka muuqday calaamado Mindiyo u ek, way dhinteen waxayna tageen
gurigooda runta ah, laakiin waxaa loo baahan yahay in cadaalada la horkeeno
kuwii falkaas ka dambeeyay.
Aqoonyahano reer Jowhar ah waxay ku talinayaan in la furo astaamo lagu soo
xusuusto wariyaashaas, sida Dugsiyo Waxbarasho iyo hay’ado u dooda Xuquuqda
Aadanaha.
Si kastaba ahaatee Marxuumiintan waxay ahaayeen dad aysan marnaba ilaawi
doonin Shacabka ku dhaqan Magaalada Jowhar, iyadoona geeridooda si isku mid
ah looga damqaday deegaano ka mid ah Gobolka Shabellaha Dhexe
Source:SM
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
13432093
© RSTV 2008. All Rights Reserved |
|